Wararkii ugu dambeeyay askar ka tirsan Puntland oo xalay lagu qarxiyay magaalada Boosaaso.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax miino oo xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Qaraxaasi miino ayaa la soo sheegayaa in 3 askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso ee Puntland ay ku dhaawacmeen, Qaraxaasi xalay lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidanka Booliska.

Sarkaal ka tirsan Booliiska magaalada Boosaaso ayaa sheegay in xalay ilaa iyo saakay ay baaritaano ka wadaan bartamaha Magaaladaasi.

Dhanka kale magaalada Boosaaso ayaa inta badan waxaa ka dhaca qarax miino oo lala eegto ciidamada ka tirsan Maamulka puntland, waxaana qaraxyadaa badanaa sheegtay Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Gobalka Bari.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline