Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirweynihii Dib u Eegista Dastuurka Muqdisho

Ilwareed Online- Magaaladda muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay Shirweynihii Qaran ee dib u eegista Dastuurka kaasi oo socday Muddo 3-maalin ah.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay 300 qof oo ka kala Yimid maamul goboleedyada, Qurbe-joogta,iyo qeybaha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka sheegay marxaladihii uu soo maray shirka iyo howlihii soo socday, waxaa uu ka dhawaajiyay in sababaha shirka ay uga maqan tahay Jubbaland aysan aheyn Dastuur naceyb, balse arrimo kale ay jiraan.

Maxamed Mursal Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaja Golaha Shacabka ayaa shirka soo xiray, isagoo halkaas ka jeediyey Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ugu talagalay xiritaanka Shirka.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...