var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

War Deg Deg ah:Cabsi daran oo soo wajahday Qaar ka mid madaxda Al-Shabaab iyo deegaano hor leh oo ay gabaad ka samaysteen.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Ammaanka ee Gobolkaasi ayaa xaqiijiyay in madaxda Al-Shabaab ay bilaabeen inay isaga baxaan deegaanada Gobalkaasi kadib dhaq dhaqaaq ay sameeyeen Ciidamada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.


Al-Shabaab ayaa Xalay ilaa saakay la sheegay inay ka baxayeen Deegaanka Gandiirshe oo ku dhaw Deegaanka No: 50, iyagoo gaaray deegaan lagu magacaabo Jilib Marka oo isla Gobalkaasi ka tirsan, halka wararka qaar ay sheegayaan in qaar ka mid ah hogaamiyaasha Shabaabka gabaad ka samaysteen deegaanka Aw-Dheegle ee Gobalkaasi.
Dhanka kale waxaa G/sh/Hoose maalmihii la soo dhaafay ku soo laab laabtay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab Sidoo kale waxaa Gobalka la dagey colaad salka ku heysa aanooyin Qabiil.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: