Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho ka dib safar shaqo uu dalka kaga maqnaa

Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku maqnaa Wadanka Itoobiya ayaa Hadda soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb geli doona Aaska Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukumadda Soomaaliya oo Xalay ku dhintay Rasaas la sheegay in ay ku fureen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya gaari uu saarnaa Wasiir Cabaas.

Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji ayaa lagu Aasi doonaa Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb geli doona Madaxda ugu sareysa Aaskiisa.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...