var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

War deg deg ah: Al-Shabaab oo Gowracday laba asakari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowaladda (Magacyada Askartaasi)

0

Al-Shabaabka deegaanka Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay inay Gowraceen 2 Askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa meel ku dhaw Degmada Mahadey ee Gobalka Sh/Dhexe.


Barta Internete-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu Baahiyay inay Gowraceen 2-ka mid ah Ciidamada Difaaca Soomaaliya oo saakay hal saac ka soo baxay Deegaanka Biya Cadde waxaana lagala dagey Gaari Homey oo ku soo jeeday Magaalada Jowhar.
Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Biya Cadde ayaa sheegay in Al-Shabaab Gowraceyn 2 ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 1-aad iyo Guutada 2-aad ee ciidanka Soomaaliya.
Dhanka kale raga la Gowrcay ayaa magacooda lagu sheegay Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga deegaanka Biye Cadde.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.