WAR CUSUB: Xayawaanka Diinka oo qaali ka noqday Muqdisho

Ilwareed Online –

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday ganacsi cusub oo lagu kala iibsanayo xayawaanka Diidiinka loo yaqaano, kaasi oo lacag aad u fara badan lagu iibsanayo.

Koox ka ganacsata xayawaanka Diidiinka ayaa uga warbixiyay shabakadda Somaliweyn howsha cusub ee ay bilaabeen, iyagoona sheegay inay ka iibiyaan shirkado ajnabi ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qiimaha la kala siisto Diidiinka ayaa gaaraya ilaa iyo toban kun Dollarka Mareykanka ah, waxayna kooxdani sheegtay in ka ganacsiga xayawaankaan ay bilaabeen laba bil kahor.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay Muqdisho keeneen ku dhowaan 100-Diidiin isla markaana ay iibsadeen, iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada ay maalmahaan hadal heynta ugu badan noqotay ganacsigaan cusub.

Dhinaca kale xayawaanka Diidiinka ayaa ah laba nooc mid madow iyo mid jaalle xigeen ah, iyadoo midka madow uu yahay kan ugu qaalisan isla markaana laga helo dhulka baadiyaha ah kaasi oo inta aan la soo qaadin lagu tijaabinayo bir ama sakiin korkiisa la saarayo dabadeedna sidii bir labta oo kale u qabanaya.

Ilaa iyo iminka lama oga shirkadaha ajnabiga ah ee iibsanaya Diidiinka waliba nooca madow ee ay daneynayaan kaasi oo leh tijaabooyin kale sida marka taleefan loo soo dhoweeyo inuusan shaqeynin, waxaana la leeyahay Diidiinka madow wuxuu cabaa oo cunaa cowska iyo biyaha meelaha ay ka dhacaan qaanso-roobaadka.

 



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline