var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wafdigii saxiixay heshiiska Berbera ee Imaaraadka oo farriin u diray shacabka Somaliland

0

Magaalada Hargeysa caasimada Somaliland waxaa maanta ka degay wafdigii saxiixay heshiiska Dekedda Berbera ee saldhigga Imaaraadka Carabta uu ka sameysanayo, waxaana wafdigaasi oo uu hoggaaminayay Madaxweyne K/Xigeenka Somaliland farriin u direen shacabka oo ay ka dalbadeen inay taageeraan.

Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ayaa ka hadlay faa’iidooyinka uu leeyahay heshiiska, isagoona sheegay in heshiiska ay la galeen dowladda Imaaraadka lagu dhaqan geliyo muddo saddex sano gudahood ah.

Waxaa kale oo uu sheegay inay kulamo kala duwan la qaateen madaxda iyo saraakiisha hay’adaha gargaarka Imaaraadka Carabta isla markaana ay ballan qaadeen inay bixinayaan lacag dhan Laba Milyan Dollar oo lagu tabaruco qoysaska ay abaaraha ku habsadeen.

“Dowladda Imaaraadka Carabta waxay naga aqbashay inay dhallinyaradeena u furto shaqooyinka, isla markaana ururrada iyo hay’adaha Somaliland la siiyo shaqooyinka gudaha dalka” ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire oo sheegay in heshiiska markiisii uu ahaa carrab laalaadin, balse haatan uu yahay heshiis rasmi ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.