Wafdiga Dowladda Qatar lama Kulmi doono Deni iyo Axmed Madobe.

Magaalada Muqdisho waxa maalintii sedexaad ku sugan wafdi uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mutlaq Majed Al-Qaxtaani.

Intii ay joogeen Muqdisho waxay kulamo la qaateen madaxda dawladda federaalka iyo hogaamiyayaasha mucaaradka, iyagoo kala hadlay sida xal loogu heli karo khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

Isla maanta waxay Muqdisho kula kulmeen qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada. Sida Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale waxaa jiray warar warbaahinta Maxalliga ay isla dhex maraysay oo ah in wefdiga ay la kulmi doonan Madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, balse xiriir ay BBC-da la sameeysay Safaarada Qatar ee Magaalada Muqdisho ayaa inoo xaqiijisay in Ergayga gaarka ah dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mutlaq Majed Al-Qaxtaani, uu la kulmi doonin Madaxda Puntland iyo Jubaland.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline