var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u dhoofaya Dalka Sudan

Ilwareed Online

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta oo Arbaco ah la filayaa inuu u safro Magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.


Md. Farmaajo ayaa la sheegay inuu casuumad Rasmi ah ka helay Madaxweynaha Sudan Gen Cumar Xasan Al-Bashiir, wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf Xasan iyo Xubno kale.
Dhanka kale maalmo ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu safar ku tagay Boqortooyada Sacuudiga, waxaana safarkaas uu ahaa kii saddexaad ee Sacuudiga uu ku tago tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: