var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wafdi Ka Socday Isbitaalka ERDOGAN (Ex Digfeer) oo Cadaado Gaaray

Ilwareed Online

Magaalada Cadaado ee caasimada kmg ah ee dawlad gobaleedka galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah dhaqaatiir Turki ah, gaar ahaan maamulka Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) magaalada Muqdisho.

Madaxdan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado, waxaana ujeedada safarkaan ahaa, sidii loo mataaneyn lahaa labada isbitaal Cadaado iyo Erdogan.

Isbitaalka Erdogan ayaa kan Cadaado ka taageeri doonaa daawooyinka, Qaliimada dadka aan Cadaado wax looga qaban karin oo si bilaash loogu dabiibi doono Isbitaalka Erdogan iyo tababarka Shaqaalaha.

Wafdiga ayaa sidoo kale Isbitaalka Cadaado geeyey daawooyin, maamulka isbitaalka iyo Bulshada Cadaado ayaa aad usoo dhaweeyey arintaan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

AKHRISO  Kenya oo beenisay in Khilaaf Diblumaasiyaadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: