var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wafdi ka socda Hey’Adda UNHCR oo maanta gaaray Baydhabo

Wafdi ka socda Hay’adda QM u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Aduunka ee UNHCR ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo xarun KMG uu u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdigan oo ay hoggaamineysay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Haween, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayuu kulamo la qaatay wafdigan, iyadoo wafdigu uu kala hadlay maamulka  Abaaraha ka jira Degaanada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Maamulka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Madoobe Nuunow Maxamed ayaa kulanka kadib waxa uu la hadlay warbaahinta. waxaana uu sheegay in wafdiga ay isla garteen dhamman wixii ay ka wada hadleen.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: