var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Hindiya u tagaya sii deynta Maxaabiis ku xiran dalkaas

Ilwareed Online –

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay wafdi heer sare ah u dirto dalka Hindiya, si ay ugala soo xaajoodaan sii deynta Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalkaas.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in wafdigan oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa dowladda Hindiya kala hadlaya maxaabiista ku xiran dalkaas iyo sii deyntooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa dhiggiisa Hindiya ka wada hadli doona xiriirka labada dal, waxaana ay kala saxiixan doonaan heshiiska ku saabsan is dhaafsiga maxaabiista.

Sidoo kale wafdiga ayaa booqan doona magaalooyinka  Mombai iyo Hyderbad oo xabsiyada ku yaalla ay ku xiran yihiin Maxaabiis Soomaali ah.

Golaha Wasiirada Hindiya ayaa bishii hore ansixiyay heshiis ku saabsan is weydaarsiga maxaabiis oo dhex mari doona Soomaaliya iyo Hindiya.

Maxaabiis fara badan Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin Xabsiyada ku yaala dalka Hindiya, waxaana badankood lagu soo eedeeyay falal burcad badeednimo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii la caleema saaray sheegay in maxaabiista ku xiran dalka Hindiya hadii la soo daayo uu bixin doono diyaarada lagaga soo qaadi doono dalkaas.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii maxaabiista ku xiran dalal dhowr ah loo sii deyn lahaa, iyadoo dhowaan ku guuleysatay in lagu soo wareejiyay 114 maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo todobaadkii hore laga soo dejiyay Muqdisho.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: