Wafdi Ka Socda DFS Oo Gaaray Magaalada Baraawe

Wasiiro ka tirsan XFS ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baraawe ee xarunta maamulka K/Galbeed Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gargaarka, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada dowladda dhexe ee federaalka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo xubnahani ku soo dhaweeyay magaaladaasi ayaa ka warbixiyay socdaalkooda, isagoona sheegay inay u yimaadeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin indha indheyn, kulamo ay la qaadanayaan bulshada Marka degan iyo arrimo kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee gaaray magaalada Marka socdaalkooda uu la xariiro sidii ay u xalin lahaayeen muran ku saabsan dhulka uu ku fadhiyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi kaddib markii ay sheegteen in dhulkaasi leeyihiin qoysas sheegay in si khasab ah looga qaatay dhulkaasi.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline