var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wadooyinka magaalada nayroobi oo cidlo ah xili saacado un ay kadhiman yihiin doorashada dalka kenya

Ilwareed Online

Iyadoo Saacado qura ay naga xigaan Doorashada Madaxweynaha Dalka Kenya, ayaa waxaa saakay haawanaya oo cidlo ah wadooyinka ugu waa weyn magaalada Nairobi.

Wadooyinka Nairobi ayaa inta badan can ku ah Ciriiri fara badan, taasoo dadka qaar ku qaadata saacado badan ineey gaaraan Xaafadahooda.

Dhinaca kale Qoysaska Kenyatta iyo Odinga ayaa waligoodba ku loolamayay awoodda illaa iyo markii ay Kenya xornimada Britain ka qaadatay sanadkii 1963-dii.

Balse doorashadani ayaa u muuqata in ay soo afjari doonto xifaaltanka ka dhaxeeya qoysaskan taariikhda fog Kenya ku leh.

Taariikhdooda waxa ay ku bilaabatay saaxiibtinimo labada qoys ah. Raila Odinga aabihiis, Jaramogi Oginga Odinga ayaa waxaa fursad uu dalka ku hoggaamiyo siiyey gumeysigii Ingiriiska, balse waa uu diidey, isaga oo sheegey in Kenya aysan xornimo qaadan karin inta uu xabsiga ku jiro hoggaamiyahooda, Jomo Kenyatta.

Markii xornimada la qaatay, Jaramogi Odinga waxa uu noqdey madaxweyne ku xigeenka Jomo Kenyatta.

Hase yeeshee labada nin ayaa isku dhacay sanadkii 1966-dii, halkaasina waxaa ka dhashay xifaaltanka illaa maanta ka dhaxeeya labada qoys iyo waliba beelahooda kala ah Kikuyu (qabiilka Kenyatta) iyo Luo oo ah qabiilka Odinga



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: