var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Waddooyin Laami ah oo laga sameynayo magaalada Garowe

Duqa magaalada Garowe Xasan Ciise (Xasan Goodir) iyo Xildhibaano ka tirsan Gollaha Deegaanka Degmada Garowe sida Xildhibaan Siciid Cabdisalaan Xasan Ducaale iyo Xildhibaan Mahad Gaalaco ayaa maanta shaqo bilow u noqonaysa ka bilaabay mid ka mid ah wadooyin la laamiyeynayo oo dhex mara gudaha magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Gudoomiye Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) oo warbaahinta la hadlayay ayaa ka sheegay inuu jiro qorshe dhawaan laami lagu saarayo wadada dhex marta Suuqa Fadhi Same oo ah suuqii hore ee magaalada Garowe kaasi oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Wuxuu sheegay Xasan Goodir dhismaha labo wado oo laamiya mid ka mid ah in looga faa,iideynayo jidka dhex mara suuqa weyn ee magaalada Garowe.

Waxa uu ku tilmaamay arrintaas mid looga gol leeyahay sidii ay ganacsatadu u muujin lahaayeen kaalintooda oo uu sheegay inay ku balameen dhismayaal casriya oo ay ka sameyn doonaan guud ahaan magaalada Garowe caasimada dowlad goboleedka Puntland.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: