Contact us on [email protected] | Our headquarter KM4 Mogadishu - Somalia
Wadayaasha bajaajka magaalada muqdisho ayaa kusii baahaya wadooyin horleh banaabaxyadii saakay ay bilaabeen
Ilwareed Online
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan xirey banaanbaxyo ay dhigayaan wadayaasha iyo milkiilayaasha Mooto Bajaajta iyagoo ka cabanayay in loo diiday lagana mamnuucay in ay kasoo gudbaan Laamiga Wadanaha halka horeyna loogu diiday in ay maraan Wadooyin kale oo kuyaala Muqdisho.
Banaanbaxa oo ka bilowday taalada Daljirka Dahsoon ayaa ku sii fidey wadooyinka kale ee waaweyn iyadoo wadooyinka ay haatan xirmeen.
Qaar kamid ah Wadayaasha Mooto bajaajta ayaa sheegay in markii hore dhibaato kala kulmayeen wadooyinka jid cayaasha xiran iyo ciidamada amaanka ee ku sugan koontaroolada, waxa ayna tilmaameen in hadana ugu darsantay xanibaadan cusub ee lagu soo rogay.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay carada ay soo bandhigeen wadayaasha iyo milkiilayaasha mooto bajaajta.
Mootooyinka Bajaajta ayaa magaalada Muqdisho sanadihi la soo dhaafay ku soo badanayay iyadoo dadku inta badan ay adeegsadaan waxana ay suuqa ka saareen gaadiidkii kale ee basaska ahaa ee dadka ay raaci jireen, iyadoo kumanaan dhalinyaro ah ay ka heleen fursado shaqo.
Mogadishu – Somalia
Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline