Wadahadallada S/Land Iyo Somaliya Oo Ka Furmaya Switzerland

Ilwareed Online –

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay dib u bilaaban doonaan wadahadallada u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in Wadahalladaasi ay dhawaan ka furmi doonaan dalka Switzerland.

Sidoo kale Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Soomaaliland ayaa  hoosta ka xariiqay ka hor shirkaasi in madaxda Soomaaliland iyo Soomaaliya kulan hor dhac ah ay ku yeelan doonaan dalka Jabuuti.

Waxaana uu xusay in ay ka wada hadli doonaan ajandaha shirkaasi oo ay marti galineyso dowladda Switzerland.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline