Waa maxay Sababra Rasmiga ah ee ka dambaysa Booshada Kismaayo ee Taliyaha Ciidamada Xoogga ?

S/Gaas C/weli Jaamac Warsame Gorod Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul Goboleedka Jubbaland.

Taliyaha ayaa lagu sheegay ujeedka uu u tagay magaalada Kismaayo sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa lagu waddaa inuu booqdo degaanada ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaallamaayeen ciidamada xoogga iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhanka kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Taliska qeybta Jubbooyinka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline