Waa Maxay Erayga (Discipline)

Haddaan u guda galo Macnaha Eraygan oo si caadi ah loogu dhaqmo isaga iyo kuwo la mid ahba wuxuu tilmaamayaa  in qof lahaado Edeb, Anshax  iyo Asluub wanaagsan, taasi oo qof ka dhigi karta  qof wax gal ah.

Marka aad maqasho qofkani wax dishabaliin ah malaha  micnaheedu waa qofkani  edeb iyo anshax toona ma laha.

Deshibiliin asalkiisu waa Af talyaani waana eray ka haray gumeystihii Talyaaniga.

Haddaba, dishibiliinka ama Anshaxa wanaagsan waa mid looga baahan yahay qof kasta oo bini’aadan ah inuu yeesho, haddii laga waayana qofkaasi uu noqonayo mid aan waxba u gelin ummadda uu ka tirsan yahay dhibaato mooyaan.

Sidoo kale, waxaa jira eray tilmaamaya anshaxa wanaagsan oo ay soomaalidu aad u isticmaasho waa erayga Akhlaaq, oo Carabi ah laakiin kamid ah erayda soomaaliyoobay,

Waxaa jira erayo badan oo afqalaad ah oo soomaaliyoobay si caadi ahna u isticmaalaan shacabka kuwaasoo sida badan ka yimid dhanka carabta wallow ay jiraan kuwo kale oo nooga soo tillaabay qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Haddaba, intaasoo dhan waxaan uga socdaa oo aan usoo qaatay in ay dadkeennu fahmaan erayda aan asalkoodu ahayn soomaali ee laakiin dadku barteen ka dibna caadeysteen inay ku hadlaan ilaa dadkii kale ay caadi u qaateen eraygaas sida alloore oo kale.

Ujeeddadu waa in la yeesho edeb iyo anshax wanaagsan, asluubta wanaagsan waa tan dadka ay kugu jeclaadaan ama kugu nacaan.

Dhammaan qeybaha bulshadeenna waxaa looga baahan yahay in ay yeeshaan sifaalahaas wanaagsan.

Gaar ahaan Ardayda, Ciidammada noocyadooda kala duwan, shacabka soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanna sida badan anshaxa wanaagsan waa asal ma guuraan ah, wallow ay iska jiri karaan kuwo faraha laga qaad ah oo bulshada boqolkiiba hal ka ah.

Dashabeliin edeb anshax, haddii aadan lahayn adduunka meelkastoo aad tagtaba kuma noolaan kartid, waa hubaal in aadan la noolaan Karin qof u dhashay akhlaaq wanaagsan.

Edebta, waxay gashaa meel kasta, sida haddaad wax cuneyso, wax cabeyso, soconeyso, salaameyso, la dhaqmeyso, baraneyso, weydiisaneyso iwm.

W/Q: Osman Dhiblaawe

 

 





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline