Ururka samafalka iyo Gargaarka ee Ubax Foundation oo Maanta deeq muhiim u ah gaarsiiyay Cusbitaalka Banaadir

Ilwareed Online –

Ururka Samafalka iyo Gargaara ee Ubax Foundation ee Fadhigiisu yahay Magaaladda Labaad ee Gothenberg ee dalkaasi Sweden ayaa maanta oo ay taariikhdu aheeyd 18ka Bisha Janaayo 2018-ka waxaa uu Cusbitaalka banaadir Qeybta Haweenka iyo caruurta gaarsiiyay Qalab Caafimaad oo muhiim ah looguna talagalay in wax loogu qabto Dadka Bukaanka ah ee soo gaara Cusbitaalkaasi maalin walba, kuwaasi oo mar walba u baanhan in loo fidiyo Gurmad caafimaad oo buuxa.

Urura Ubax Foundation ayaa waxaa uu maanta markii labaad gaarsiiyay Cusbitaalkasi isagoo ka turjumaaya baahida caafimaad iyo tan qalab ee uu u baahan yahay Cusbitaalka Banadir, waxaana uu maanta qalab caafimaaf Gudoonsiiyay Drs. Luul Muxumed Maxamed oo iyadu ah Madaxa Qeybta Haweenka iyo Caruurta ee Cusbitaalkasi Qalabkaasi oo lagu qiimeeyay Lacag adag oo dhan $ 2.174 Doolar oo uu ururku ugu deeqay cusbitaalkasi in loogu iibiyo Qalabka caafimaadka ee uu u baahan yahay waxaana Qalabkaasi ku wareejiyay Maxamuud Xasan Cumar oo ah wakiilka Ururkasi ee Soomaaliya.

Deeqdaan Qalbka Caafimaad ayaa waxaa uu ururku ugu talagalay in lagu daboolo baahida ka jirta Cusbitaalkaasi taas oo curyaamin karta in Bukaanada kala duwan ee soo gaara Cusbitaalkasi in ay naftooda ku waayaan Qalabkaasi dartiis oo xiligaan uu cusbitaalku u baahan yahay si bukaanada loogu sameeyo Gurmad caafimaad oo ay u baahan yihiin.

Drs Marwo Luul Muxumed Max’ed oo iyadu Gudoontay Qalabkaasi deeqda ah ayaa ka mahad celisay iyadoo bogaadin iyo mahad naq balaaran u soo jeedisay Madaxa ururkaasi Ubax Foundation Marwo Khadra Xuseen Calasow iyo Xubnaha kala ee ka shaqeeya Hawlaha ururkaasi, iyadoo xustay in qalabkaan uu Cusbitaalka u yahay mid muhiim ah wax badana ka qaban doono sidii gacan loo siin lahaa bukaanadda kala duwan ee maalin walba soo gaara cusbitaalka kuwaasi oo baahi weyn u qaba sidii ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo buuxa.

Cusbitaalka Banaadir ayaa waxaa uu yahay cusbitaal si weyn wax ugu Qabtaa Bulshada Soomaaliyeed ee la daalaa dhaceysa Cuduradda kala duwan waxaana maalin walba soo gaara Dad fara badan kuwaasi oo u baahan adeeg Caafimaad oo buuxa, waxaana cusbitaalkaani uu yahay mid kaalin mug leh kaga jira wax ka qabashada hawlaha caafimaad ee Bulshada Soomaaliyed.

Ururka samafalka iyo Gargaarka ee Ubax ayaa waxaa uu had iyo goor ku dadaalaa sidii uu u caawin lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed, waxaana uu gacan ka siiyaan Cusbitaaladda, MCHda iyo dadka danyarta ah ee u baahan adeeg caafimaad isagoo aanan wax shuruud ah ku xerin ayuu gargaar dhinac walba leh u fidiyaa Qeybahaasi kala duwan ee Soomaliyeed, mana ahan markii ugu horeysay ee uu Qalab nuucaani oo kale ah gaarsiiyo Cusbitaalka banaadir ee magaaladda Muqdisho.




Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline