var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ururka Samafalka ee Ubax Fuodation oo Qoysas danyar ah Mugdisho ugu Qeybiyay Anfurin, Fidro & Lacag sadaqo ah.

0

Iyadoo haatan lagu gudu jiro Bishii Barakadda iyo kheyrka Badneeyd ee Ramadaan Kariim Isla markaasina ay Jiro Baahiweeyn ee dhinaca Nolosha ah ay ka taagan tahay Guud ahaan dalka Soomaaliya taas oo ka dhalatay abaraha iyo macluusha baahday ee keentay Roob la,aanta mudadda sanadda ah ee aanan dalka soomaaliya Uga di,in Roobaabkii loo baahnaa taas oo keentay in ay dadbadan iyo xoolahoodiiba ay galaaftaan abaartaasi ayaa dadkii soomaaliyeed waxaay haatan la ciirciirayaaan macluul iyo gaajo darran eek u habsatay umadda soomaaliyeed guud ahaan meelwalba oo dalka ka mid ah oo ay joogto.

Iyadoo arintaasi laga duulaayo ayaa waxaa magaaladda Mugdisho iyo daafaheedda haatan kusugan Kumanaan ruux oo ay saameysay abaarta iyo Gaajadda jirta waxayna haatan u baahan yihiin gargaar dhan walba leh si looga samatabixiyo Nolashoodda, inkastoo uu jiro dadaalo arintaasi lagu xakameynaayo si loo badbaadiyo dad wixii ay reebtay abaartaasi.

Dadaaladda socda haatan ee wado ayaa waxaa ka mid ah in Ururka Samafalka iyo Gargaarka ee Ubax Foudation ee fadhigiisu yahay dalka Sweden gaar ahaana magaladda Gothenpege ayaa maalintii shalay aheeyd waxaa uu magaaladda Mugdisho ka qeybiyay Gargaar iskugu jiray Raashin loogu talagalay Afurin,Fidro iyo lacago kuwaasi oo la gaarsiiyay in ka badan 100 Qoys oo ay soo barakicisay abaartaasi kuwaasi oo haatan ku sugan goobo ka mid ah magaaladda Mugsho.

Gargaarkaan ayaa waxaa uu ururku ugu talagalay in dadka sooamalaiyeed ee aanan haysan wax dakhli ah oo ay ku maareeyaan Noloshoodda kuwaasi aoo magaaladda mudisho guud ahaan degmooyinkeeda ka dawarsadda si ay u helaan nolol maalmeedkoodda waxaana dadkaasi uu gaaray gargaarkaasi ay soo dhaweeyeen waxayna ka mahadceliyteed intii soo abaabushay iyo intii fulisayaa intaba, iyagoo codsaday in la sii laba laabo gargaarkaasi inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaanka.


You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.