Ururka IGAD oo magaalada Muqdisho uga furmay shir looga hadlaayo isu socodka IGAD.

Ilwareed Online –

Dalalka ka midka ah Urur Gobaleedka IGAD ayaa maanta waxay mgaalada Muqdisho uga shirayaan sidii la isugu furi lahaa Xadduudaha wadamada Bariga Africa.


Madasha uu shirkaasi ka socdo oo ah xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku bilowday la tashiyo ku saabsan sidii loo furi lahaa xadduudaha wadamada IGAD fiisa la’aan si ay u suurta gasho sare u kac dhaqaale iyadoo sidoo kale laga taxadarayo dhanka amniga.

Wadamada ayaa ka doodaya hanaanka ugu wanaagsan ee dalalka ku bahoobay IGAD, muwaadiniintooda Bilaa Viiso ay isaga gudbi lahaayeen dalalkaasi, taasi oo noqonaysa talaabadii ugu horaysay oo ay Wadamada IGAD u qaadaan hanaan wanaagsan oo keeni kara dhaqaale fara badan.

Dhanka kale shirkaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto Magaalada Muqdisho, wuxuuna shirkaan yahay mid ahmiyad wayn u leh Somaliya, haddii ay Wadamada IGAD ku heshiiyaan in muwaadiniintooda Viisa la’aan ay isaga talaabaan dalalkaasi.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline