var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

UNICEF oo ka dayrisay Xaaladda Caruurta sheegtayna inay kordhayaan Nafaqo xumida la soo darseesay Caruurta.

Iyada oo ay macaluul soo wajahan tahay, ayaa ay aad kor ugu kaceen nafaqo-xumada iyo cudurrada haleelay carruurta Soomaaliyeed MUQDISHO/NAIROBI/GENEVA/NEW YORK, 30ka Maarso 2017 – Iyada oo humaagga naxdinta leh ee macluushu uu mar kale dul heehaabayo Soomaaliya, ayaa tirooyin hordhac ah ay muujinayaan in ay korodhey tirada carruurta qaba nafaqo-xumo aad u ba’an iyo daacuun ama shuban-biyood ba’an – labadaan oo markii ay isbiirsadeen diley carruur badan macluushii dhacdey 2011kii . In ka badan 35,400 carruur ah oo qaba Nafaqo-xumo Aad u Ba’an ayaa la daweeyey iyada oo cuntada daawada ah ee nafaha lagu badbaadiyo lagu siiyey boqollaal xarumaha nafaqada ah oo ku yaalla guud ahaan Soomaaliya bilihii Jannaayo iyo Febraayo, tirada ayaa ah koror 58 boqolkiiba ah marka la barbardhigo tii isla maddadaan oo kale sanadkii 2016kii. Wixii loo soo gaarey 28kii Maarso, in ka badan 18,400 xaaladood oo daacuun / shuban-biyood ba’an ah ayaa la soo sheegey tan iyo bilowgii sanadka, tiradaas oo aad uga badan tii 15,600-ka xaaladood ahayd ee lagu soo warramey guud ahaan sanadkii 2016kii. Xaaladaha badidoodu waxaa ay ku dhaceen carruurta yaryar. “Tirooyinkan ayaa ka dhigan qaylo-dhaan,” ayaa ay tiri Leila Pakkala, oo ah Agaasime- goboleedka UNICEF ee gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika, ka dib markii ay qoysas barokacayaal ah iyo bukaanno kula hadashey xarun lagu daaweeyo daacuunka oo ku taalla Baydhabo, Soomaaliya. “Carruurta ayaa u dhimanaya nafaqo-xumo, gaajo, harraad iyo cudur. Muddadii ay jirtey macaluushii 2011kii, ayaa ku dhowaad 130,000 carruur da’yar ah ay dhinteen, iyada oo qiyaastii kalabar ay dhinteen ka hor inta aan lagu dhawaaqin in ay macluul jirto. La-hawlgalayaasheenna ayaa aan labatan iyo afarta saacba kala shaqeyneynaa si aan u hubinno in aaney arrintaasi mar kale dhicin.” Ma jiraan tirooyin sugan oo hadda laga hayo tirada carruurta u dhintey gaajo ama nafaqo- xumo, iyada oo qayb ahaan ay taasi sababtey in qaar badan ay u dhintaan cudurro iyo caabuqyo. Laakiin carruurta ay hayso Nafaqo-xumo Aad u Ba’an ayaa sagaal jeer uga dhow in ay u dhintaan cudur marka la barbardhigo carruurta si wanaagsan u nafaqeysan. Intii ay socotey macaluushii 2011kii, ayaa waxa inta badan loo dhimanayey shuban iyo jadeeco. Ka dib markii ay lix sano ka soo wareegtey markii lagu dhawaaqey in ay macluul ka jirto meelo ka mid ah koonfurta-bartamaha Soomaaliya, ayaa dalku waxaa mar kale uu qarka u saaran yahay masiibo kale. Waqtiganse abaarta ayaa ah mid baahsan, oo ka wada jirta Somaliland, Puntland iyo degaannada xoolo-dhaqada ah ee Soomaaliya, iyo weliba qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta dalka, kuwaas oo ah meelaha ay dhibaatada ugu weyn ay soo gaartey sanadkii 2011kii . Tirada dadka halistu ay si toos ah ugu waajahan tahay ayaa ka badan intii hore, waxaana ay carruurtu yihiin kuwa dhibaatadan sida ugu weyn ay u taabatey. Bishii Febraayo, ayaa UNICEF ay saadaalisey in 944,000 carruur ah ay nafaqo-xumo ba’an haleeli doonto sanadka 2017ka, kuwaas oo ay ka mid yihiin 185,000 carruur ah oo qaba Nafaqo- xumo Aad u Ba’an (SAM) oo u baahan doona taageero degdeg ah oo naf-badbaadin. Tiradaas ayaa si weyn kor ugu kici karta, xataa haddii roobabka la filayo in ay bilowdaan bisha Abriil ay bilowdaan waqtigii la rabey, ayna si weyn u da’aan. UNICEF iyo la-hawlagalayaasheeda ayaa heley sahay nafo-badbaadin oo dad ku filan ilaa bisha Juunyo waxaana ay hirgelinayaan qorshe si weyn loo ballaariyey. UNICEF ayaa ka shaqeyneysa in ay taageerto adeegyada lagu bixiyo xarumaha nafaqada iyo kuwa hadba meel la geeyo, adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo caafimaadka, waxaana ay kooxo u joogaan degaannada ay dhibaatada ugu weyn ay soo gaadhey, iyada oo la shaqeyneysa maamullada, la- hawlagalayaasha iyo bulshooyinka degaanka si loo daaweeyo loogana hortago nafaqo-xumada iyo shuban-biyoodka ba’an / daacuunka. UNICEF Somalia ayaa kordhisey maaliyadda ay u baahan tahay oo ahayd $66 milyan waxaana ay gaarsiisey $147 milyan oo doolar, iyada oo maaliyadda ay tahay 54 boqolkiiba ka dhimaneyd bartamihii Maarso. “Sanadkii 2011kii, maaliyad badan ayaa la heley ka dib markii si rasmi ah loogu dhawaaqey macaluusha bishii Luuliyo,” ayaa ay tiri Pakkala oo ka socotey UNICEF. “Sanadkan, deeq- bixiyeyaal badan ayaa goor hore tallaabo qaadey. Laakiin waxaa laga yaabaa in dhibta ugu weyn ay innaga horreyso. Waxaan haysannaa fursad yar oo aan kaga hortegi karno dhimasho badan oo dhacda.” – DHAMMAAD – Ku saabsan UNICEF UNICEF waxaa ay dhiirrigelisaa xuquuqaha iyo wanaagga ilmo kasta, wax kasta oo aan qabanneyno. Annaga oo kaashaneyna la-hawlgalayaasheenna, ayaa waxaan ka shaqeynaa 190 dal iyo dhul si aan ballanqaadkan uga dhigno mid la fuliyo, annaga oo dadaal gaar ah ku bixineyna gaarista carruurta ugu nuqul oo aan helin waxa ay u baahan yihiin, si ay uga faa’iideystaan dhammaan carruurta, meel kasta oo ay joogaan. Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan UNICEF iyo hawsha ay u hayso carruurta booqo www.unicef.org/somalia UNICEF kala soco www.facebook.com/UnicefSomalia iyo www.twitter.com/UNICEFsomalia Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir: Susannah Price, UNICEF Somalia, +254 722 719867, sprice@unicef.org James Elder, Xafiis-goboleedk ee UNICEF Regional Office ee Nairobi, +254 71558 1222, jelder@unicef.org

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: