var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Turkiga oo si dadban u dhaawacay midnimada Somalia iyo maamulka Somali-land iyo Turkiga oo wada hadlay

Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Turkiga ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka Labada dhinac, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Hargeysa ku qaabilay Qunsulka cusub ee Turkiga u fadhin doona Soomaaliland.

Kulankan oo ay wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Qunsulka cusub ee Dowladda Turkiga u fadhin doona Soomaaliland ayaa waxa ay si gaar ah iskugula soo qaadeen Abaaraha, Dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaalialand Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sheegay Dowladda Turkiga in ay kala hadleen sidii ay wax uga qabanlaheyd Abaaraha ka jira Degaanada Somaliland Waxbarashada iyo Maalgashiga.

Abaaro aad u daran ayaa ka jira dalka gaar ahaan Gobolada, oo ay ugu horeeyaan Degaanada Somaliland(waqqyi galbeed), waxaana socda dadaalo Soomaaliland ay ku badbaadineyso shacabka Somaaliyeed ku dhaqan deegaanadaas.

dhinaca kale Arrinka layaabka leh ayaa ah in iyadoo dowlladda turkiga ay si weyn isu garab taagtay dowladda Somalia xilli ay ka gaabiyeen dowladihii carbeed iyo beesha caalamka taageerada dawladda Somalia  in haddana Turkigu uu Qunsul u magacaabo Somali-land, kaas oo wakil uga noqonaya danaha dowaladda Turkiga ee Somali-land  taas oo muujineysa in ay aqoonsi dadban oo uu Turkiga siinayo Somali-land (gobolada waqooyi galbeed ee Somalia.

AKHRISO  Weerar khasaare badan geystay oo ka dhacay Magaalada Barcelona ee Dalka Spain

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: