var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Turkiga oo ka iibsanaya Ruushka Gantaalada casriga ah ee S-400

Ilwareed Online

Dowlada Turkiga ayaa Ruushka ka iibsanaysa Gantaalo Casri ah oo loogu tala galay difaaca cirka, waxaana Heshiiskan labada dowladood kala saxikixdeen uu noqonayaa mid xriirka labada dhinac sii xoojinaya.

Ruushka ayaa ogolaaday in dowlada Turkiga ka iibiyaan Gantaalada casriga ee lidka diyaaradaha ee S-400, waxaana hubkan difaaca cirka loogu tala galay in lagu xoojiyo awooda Ciidamada Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay in dalkiisu uu Dowlada Ruushka siiyay carbuunta heshiiskan oo lagu qiyaasay lacag dhan 2.5 bilyan oo doolar.

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in hannaanka gantaalkan casriga ee S-400 ee laga iibinayo Turkiga uu gaari karo 400 km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.

Dowlada Turkiga oo leh ciidamada labaad ee ugu badan Gaashaanbuura NATO ayaa calaaqaad dhaw la yeeshay Ruushka wixii ka dambeeyay markii uu xumaaday calaaqaadkii ay Turkiga la lahaayeen Maraykanka.

2602991



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

AKHRISO  Gabdho walaalo ah oo ku geeriyooday daadad ka dhashay tog ku yaala inta u dhaxeysa Berbera iyo Hargeysa

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: