var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Turki: “Hubaynta Mareykanka ee ciidamada Kurdishka Suuriya waa mid aan la aqbali karin”

Numan Kurtulmus Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa ku sheegay wareysi uu TV ga la yeeshay in go’aanka Dawlada Mareykanka ay qorsheenayaan inay ku hubeeyaan ciidamada Kurdishka ee Suuriya uu yahay “mid aan la aqbali karin.

“Ma aqbali karno joogitaanka ururada argagixisada oo halis ku ah mustaqbalka ee dalkaTurkiga” ayuu yiri Mr. Numan Kurtulmus.

“Waxaan rajaynaynaa in maamulka Maraykanka inay joojiyaan qaladka oo ay ka noqdaan go’aankaasi,” ayuu yiri mar kale.

Canikli ayaa sheegay in Maraykanku ku andacoodaan in la kaashadaa Kooxda Ilaalinta Dadka (YPG) ay tahay jidka keliya si ay ula dagaalamaan Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant (ISIL) ee weerarada dhulka ay tahay mid aan ku salaysneen xaqiiqada.

Horaantii Afhayeenka Pentagon ee Dana White,, ayaa ku sheegay war qoraal ah in Madaxweyne Donald Trump uu idan ku bixiyay shixnadaha hubka in la gaarsiiyo kooxda YPG

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: