var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Tirada Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo lasoo bandhigay (Yaa kamid ah?)

0

Guddiga Doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa soo gabo gabeeyay qabashada araajida Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug oo lagu wado in Cadaado lagu qabto 10-ka bishan April.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay in ay soo gabi gabeeyeen diiwaan gelinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in sedex Musharax ay buxiyen Shuruudihii looga baahnaa.

Musharaxiinta Madaxweyne ee isku soo taagay qabashada Xilkii uu baneeyay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa kala ah , Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Musharax Axmed Shariif, iyo Musharax C/Qaadir Shirwac.

Sedexdan Musharax ayaana ku tartami doona Doorashada Madaxweynaha Galmudug hadii uusan isbadal imaan waxna laga bedelin waqtiga doorashada loo qorsheeyay, waxaana Liiska Musharaxiinta ka maqan xubno horey loo hadal hayay.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aysan waxbo iskabadaleyn jadwalka doorashada Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in doorashada ay dhici doonto waqtigii loogu tala galay.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqata mid aan xiiso badan laheyn xiligan, waxaana la filayaa in Magaalada Cadaado gaaraan dhawaan Masuuliyiin katirsan Xukuumada kana dalbadaan Baarlamaanka in doorashada dib loo dhigo si ay u noqoto mid loo dhan yahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.