Talo Ku wajahan Madaxweynaha Puntland iyo shacabkiisa wadaniyiinta ah

   Madaxweyne Siciid cabdullahi dani.
Madaxweyne waxaa tahay nin xog ogaal u ah,arimaha Puntland intay jirtay tan iyo maalinkii la aas aasay dhismaha maamulkeeda 1998. hadaad intaa ogtahay,waxa jira wax qabadku laba meelood ayuu kayimaadaa oo aan u jeedo kolka la hormarinaayo dad iyo dal ka maamul ahaan.
1.Dhanka dawlada ama maamulka,oo yeesha dhaqaale uu maamulo,kaasoo kayimaada canshuurta laga qaado muwaa diniinta dalka is kale ama wadaniyiinta iyo kooytadaba.inagoo daba socona dhaqaalaha soo gala maamulka waxaa kale oo uu yahay mid ah khayraad dalkeenu leeyahay sida kaluunka oo dawladu dhoofiso,waxaa intaa dheer wuxuun dakhli ah oo laga helo kaalmo dibada ah.
Kolkaa waxaan halkan leenahay dawladu ma fara marnaan karto waa in ay leedahay dhaqaale,waxaa la garabaa,markay bixiso wixii mushahar ah ee lasiiyo shaqaalaheeda ileen dawlada maha mid cidwalbaa u shaqayso tiro go an ayaa marwalba u shaqaysee, waa in dawladu maal galisaa arimaha adeegyada bulshada oo loo fikiraa kolba halka uugu muhiimsan ee mudan in laga hormariyo inta kale oo dhan,sida biyaha iyo tacliinta.
Waxaa ceeb iyo waji gabax ah in aanay jirin mudadaas dheer,ee Puntland jirtay wax dawladu maal galisay oo ay dhistay oo ah danta guud, ciil ma qabeen hadii maanta lay jawaabo oo la iisheego halkaa isguul baan dhisnay! hay ad nin qurbo joog ah soo horkacay ama iskaba ah hay ad sama fal kama dhigan karayno wax qabad kamana iman jeebka dawlada.
dhaqaale samee maalin cad oo loo wada jeedana gali adeega danta guud.dawlad dhaqaalaha dadka dib uugu soo celisa ayaa ah dawlad dadkuna usoo dhawaan had iyo jeer waana dhaqanka wadaniga.
Kolhadaan dalkan quruxda badan ee leh labada badood,ee ku haboon dalxiiska iyo tamash laha,ee ku haboon maal gashiga, ee ku haboon in lagu noolaado leh cimilada caalamka uugu fiican,ee aan lahayn kaneeco iyo qaniin midna oo qofka kunoolaadaa ka caafimaad badan yahay dhulka qaniinka leh iyo malaariyada,waa in aan dhisnaa oo kasamaynaa janno aduun Puntland. cilmi baaris aduun hore lagu sameeyay Puntland waxaa la ogaaday in khudaarta kabaxdaa ay ka faytamiin iyo macaadin badan tahay qudaarta kale ee kabaxda dhulka qaniinka leh.
Waxaana waliba ay ka hormartay,khudaarta kabaxda dhulka shaam,falastiin iyo yuhuuda oo ah dhul lamid ah kan Puntland. shacabka puntland waxay haystaan laba nooc oo kaluun ah oo leh lama nafaqo iyo nicmo midiba midka kale uu kaga duwan yahay,xataa xaga dhadhanka waayo waa laba badood oo kala duwan uunka illaahay iyo naxariistiisa ayayna ku ahaatay isagaana og xukmada ku jirta kala duwanaansha haas badaha.
2. Qodobka labaad waa shaqada wax soos aar iyo ganaacsiga shacabku qabsado iyo is shaqaalaynta dhexdiisa ah. dhinacan shacabka Puntland way ku fiican yihiin oo waxaa hada dhisme iyo ganaacsi ah ee yaalaa waa kartida shacabka oo shaqaystay waana mahad sanyihiin,iyagaa dhisay isguulo iyo jaamacaad iyo maxadyo intaba.
Hadaba qudhooda in dawladu tilmaanto oo taakulayso ayaa larabaa,oo aan ula jeedo in loo sahlo hawlahooda siba siday kasii fududahay,si niyadooda wax soo saar sare loogu sii qaado.
Hadaba madaxweyne,waxaa jira in dad reer puntland ah oo layimid shirkado iyo kuwo layimid ajaanib maal gashanaya Puntland iyana ay kayihiin ka wadani ahaa qayb iyo wakiil,in maamulku horjoogsaday kaasoo ah kuwii 1998-2018 looma baahna in aan cidna farfiiqno wayse dhacday. furfurka dhaqaalha iyo soo jiidashada maal gashiga aduunku malaayiin buu ku bixiyaa,hadaba waxaa lagama maarmaan ah in aad samayso hay ad ugaar ah sidii maal qabeenada u dhashay puntland ay si xor ah u iman lahaayeen dalkooda una maal gashan lahaayeen, fursada ganaacsiga iyo xoriyada waa in dadku dareemaan ood jeclaysiisaan dalka dadkeena iyo ajaanibtaba,
Madaxweyne uqabo shir maal qabeenada Puntland ee dalalka shisheeye hantidooda la jooga,sii fursad anoo ku kalsoon in aad tahay wadani dhisaaya Puntland. waxaan kuugu ahan waynahay si wayn waayo waxaan dareemayaa in aad tacliinta dadkeena gaarsiin doontid heer aad u sareeya,waana halkaa halka aadamuhu ka hormaro ama ka dib dhaco.dadka dhis waxbar waana in qofku noqdaa mid leh cilmi farsamo iyo mid maamul mid uun.
shacabka Puntland hiil iyo hooba iyo talaba waa kula garabtaagan yihiin iyagaana kudoortay jiif kuma sugnaanin waxaan kuu rajaynayaa in baal cusub aad ufurto Puntland oo ah dalka in la jeclaado kadibna la dhiso si jiilasha danbe iyo inaguba ugu raaxaysano dhulkeena hooyo. waxaan kuu rajaynayaa horumarinta dalkaaga in rabbi kuufududeeyo. shacabka puntland gacmaha isqabsada dhista dhulkiina shacab siyaasad kuwada mashquulsan looma baahna waana edebdaro waayadan danbe dalka soomaaliya lagu arkay in habar kuulay kastaa siyaasad afka ku hayso! iyadoon garanayn soomaaliya halkay afrika uuga taal?
Yusuf Omar





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline