var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Somalia oo Xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo la magacaabay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa wali ku howlan wax ka badal lagu sameenayo Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana shaqada laga diray xubno horey ula shaqeenayay Madaxweynihii hore.

Farmaajo ayaa isbadalkii ugu dambeeyay ku sameeyay taliska ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaaliya , Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka Ilaalada Madaxyooyada halka taliye cusubna uu magacaabay.

Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin oo ahaa nin si weyn ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu bedelay oo taliyaha ilaalada Madaxtooyada laga dhigay Col. Axmed Maxamed Afcadey.
Taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Col. Axmed Maxamed Afcadey ayaa horey xilkaasi usoo qabtay xiligii uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweyne dalka ka ahaa.

Inta badan Agaasimayaashii Xarunta Madaxtooyada iyo xubnihii kale ee lasoo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee ku sugnaa xarunta Madaxtooyada ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay waxaana lagu bedelay xubno kale oo ku dhaw dhaw Madaxweynaha cusub.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.