var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Taliyeyaasha ciidamada Soomaalida oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha G/Banaadir

Taliyeyaasha ciidamada milateriga Soomaaliya, kan AMISOM , Booliska AMISOM iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo sabti ah kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, Taliyaha ciidanka Xooga dalka Gen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), Taliyaha AMISOM Cismaan Subagle, kasoo looga hadlay qorshe amniga Muqidsho.

Taabid ayaa la sheegay inuu dalbaday kulankan, wuxuuna ahaa kulankii ugu horeeyay oo afarta geesood dhex mara, kaasoo looga hadlayo wadashaqeyn dhex marta iyo hirgelinta qorshaha ammaanka Muqdisho.

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir gadiidka AMISOM ka mamnuucay wadadda Maka Almukarama xilliyada maalintii iyo fiidnimada arrintaas oo AMISOM ay sheegtay inaysan waxba kala socon.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: