Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo Xil ka qaadis lagu sameeyay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa Xilkii ka qaaday Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi,waxaana lagu badalay oo Xilkaasi loo Magacaabay Axmed Xasan Maalin oo horay Xilkaas u soo qabtay.


Dhanka kale Xilka qaadista Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadeysa Xilli dhawaan la magacaabay Taliyaasha ugu sareeya Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.