var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

TACSI: Inaa lilaahi Wa inaa ilayhi Raajicuun

(( يَا أَيَتُهَا الّنَفْسُ الْمُطْمَئِّنَةُ ارْجِعِي إِلَى رَّبِكِ رَاضِيَةً مَرْضِيَةً فَادْخُلِي فِي عِبَادِي وَادْخُلِي جَّنَتِي ))
Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid maanta oo axad ah Danjire Nuur Faarax Xirsi oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumadii hore kaas oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, kadib xanuun la soo gudboonaaday dhamaadkii bishii hore.

Marxuum Nur Farah Hersi oo bartay xiriirka caalamiga, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku biiray bishii February 2013, aydoo Bishii March, 2014 kiina loo magacaabay inuu safiir ka noqdo dalka Malaysia, bishii February 06, 2015 loo magacaabay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, xilkaasi oo uu ku shaqeynayay tan iyo intii uu noolaa.

Allah u naxariisto, Danjire Nuur Faarax Xirsi waxa uu ahaa halyey wadani ah, jecel qarannimada, u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa, Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana u waasciyo qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo

– Aamiin.

Cabdulqadir Shiikhey M. Al-hatimi
Danjire

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: