var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Taalada Axmed Gurey oo xariga laga jaray

Ilwareed Online

Waxaa mudo ka badan 25-sano kadib xalay xariga dib looga jaray Taalada Axmed Gurey oo ku taala Isgoyska KM4 ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Taalada Axmed Gurey,ayaa Maalmahaan waxaa ku socday Dayactir weyn,iyada oo ugu dambeyn Caawa xariga laga jaray, waxaana la arkayay dadweyne farabadan oo u daawsho tegay.

Dhinacyada Taalada ayaa waxaa lagu dhejiyay Xayeeysiinta Shirkadaha qaar ee Magalada muqdisho ka howlgala taas oo ay xalay dadka Sawirro ay ka qaadayeen.

Marka la eego taalada Axmed Gurey oo ka mid ahaa taallooyinkii magaalada Muqdisho ku yiil balse dagaaladii sokeeye mudadii ay socdeen laga qaatay dhagaxii loo ekeysiiyay Axmed Gurey ee dusha sare ka taagnaa ayaan ka muuqan haatan.

Waa markii ugu horeysay oo xariga laga jaro mid ka mid ah taallooyinka ku yaala magaalada Muqdisho muddo ka badan 25-sano, iyaoo howshaasina door lixaad leh ka qaatay maamulka gobolka Banaadir.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.