Suuqa Doqonta Lagu Iibiyo.(Faallo)

Maanta waxaan tagay Suuqa Doqonta lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho. “Doqon Mall”. Waxaa la ii sheegay in Tiradoodu ey sii badaneyso, Qiimahooduna hoos u sii dhacayo.

Qolalka waxaa Ku qoran Doqon 1-20. Baac. Soofaali. Xoolo tuurle. Dhabodhabo.Dabaal. Caaq. Sacsacle. Goof. Sabsable. Sabdhaban. Nasakhan. iwm.

Waxaa laga keenay Goballadda Dalka oo dhan iyo Magaalada Muqdisho. Waxaana loo qeybiyay 4.5 inkasta oo lagu Kala badan yahay. Siyaasiyiin ma ahan, laakin Siyaasiga ayaa isticmaalo.

Waxaa Dusha uga qoran : iska fiiri, Maskaxdiisu waa faaruq, Jirkiisuna waa Alwaax oo dareen male.

Xabadkana Midba waxbaa uga qoran Sida:

Hadduu Dollar arko dareen male.. Dad waalidkii iyo Walaalkii ayuu ugu necabyahay..Aduun iyo Aakhiro ogaal uma leh..wax uuna isaguba Aqoon ayuu dalaalaa.. wax loo dirsado ma diido.. Darajo uuna leheeyn ayuu u doodaa..wax Ka dahsoon ayuu difaacaa.. Dalka iyo Deriska kii aad u dirsato ayuu doorbidaa…Ceebu ma qabto mana caajiso..waa dhagool waana indhool howl Kar ah..Deeq ma rabyo ee daraja been ah u sheeg..dhib hadaad u geeysato kama damqado.

Haddii ey jiraan Doqon beeshaada ah, u geey Agaasimha Suuqa iyagana waa lagaa gadanayaa. Shardi Xabadka uga Soo qor waxa uu yahay.
Maxaad Ku Soo qori leheeyd Doqonka beeshaada noo sheeg? Ha inkrin waa jiraa waana la hubaa.

Deg deg u tag Suuqa Doqonta haddii aad rabto Doqon nuuc kastaba leh iyo Weliba qiimo Jaban.

Allow Nimaan tiisu meel Marin, Taadana aan yeeleeyn, toowstiisuna Ku dhibee, Somali haka dhalin. Aamiin.

Qore: Yahya Amir





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline