var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Soomaaliland oo digniin u dirtay Puntland

#Ilwareed Online – #

Musharraxa Xisbiga Kulmiye ee Soomaaliland Muusa Biixi ayaa fariin hanjabaad ah u diray Maamulka Puntland.

Muusa Biixi ayaa sheegay in xubno ka tirsan Puntland faragalin qaawan ay ku hayaan doorashada madaxtinimada Maamulkaasi Soomaaliland.

Waxaana uu carabka ku dhuftay, haddii Puntland ay joojin weyso faragalinta ay weerari doonaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi.

Sidoo kale Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muusa Biixi ayaa intaasi ku daray in madaxda Puntland galangal xoogan ay ku leeyihiin doorashada Soomaaliland, taasina aya tahay wax aan loo dul qaadan karin.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli dhawaan Baarlamaanka Puntland ay Qaraar ka soo saareen in doorashada Soomaaliland lagu qabto deegaano ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay isku hayaan Maamullada Soomaaliland, Puntland iyo Khaatumo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.