var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Somaliland Oo Bilowday Tarxiilka Oromada Si Loo Badbaadiyo Naftooda

Ilwareed Online

Maamulka Somaliland ayaa bilaabay inuu tarxiilo oo dalkooda dib ugu celiyaan dadka kasoo jeeda qowmiyada Oromada oo maalmahaan cabsi xooggan kasoo wajahday dadka shacabka Somaliland.

Tiro dadka Oromada ku nool Hargeysa ayaa la beegsaday iyadoo shacabka Somaliland ay ka careysan yihiin Soomaalidii Oromada ku leysay Awaday, dadkaasi oo ka badan 28 qof oo meydadkooda lagu aasay Jigjiga.

Waaxda socdaalka “Immigration” ee Somaliland ayaa dadkaasi gaadiid ku daabulayay iyadoo lagu wareejinayay ciidamada EThiopia ee ku sugan xuduuda Wajaale si iyagoo nabad ah dalkooda dib ugu noqdaan.

Oromada ku dhaqan Somaliland ayaa shaqooyin kala duwan ku hastay Hargeysa, hase ahaatee qalalaasaha ka taagan dhulka Oromada iyo Soomaalida ayaa sababay in ay ka barakacaan shaqooyinka ay u joogeen Somaliland.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: