Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Somaliland iyo Puntland oo ku dagaallamaya Tukarraq.

Ciidamada Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ay saaka ku dagaallamayaan degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Labada dhinac ay saaka dagaal isku billaabeen iyada oo ay wali rasaas ka dhaceyso degaanka.

Taliyaha guud ee Ciidanka Maamulka Somaliland  ayaa xaqiijisay in dagaalka uu ka socdo Tukarraq islamarkaana ay dagaallamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Somaliland oo xarumahooda ku sugan ay weerar labo jiho ah kala kulmeen Ciidamada Somaliland,islamarkaana uu dagaal socdo.

Dhinaca Puntland waxaa ay xaqiijiyeen dagaalka ka socda Tukarraq waxaase ay ka gaabsadeen in ay  faah faahin ka bixiyaan dagaalka saaka.

Degaanka Tukarraq ayey billowgii Sanadkan Ciidamada Somaliland ka qabsadeen kuwa Maamulka Puntland kaddib dagaal dhexmaray.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline
Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...