Somaliland: Imaaraadka Kiro Ugama Qaadaneyno Saldhigga Berbera!

Somaliland ayaa sheegtay in Imaaraadka aanay wax lacag ah uga qaadeyn saldhigga Milatari ee ay ka furanayaan magaalada Berbera.

Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyadda ee Somaliland ayaa tilmaamay in ay ku bedasheen saldhiggaasi dhismaha waddo iyo sidoo kale garoon diyaaradeed.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in dekadda Berbera ay kiro ka qaadaan shirkadda DP World, sanadkiina la siiyo lacag dhan Shan Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Xisbiga wadani, gaar ahaan xoghayaha xisbigaasi oo isna arrintan ka hadlay wuxuu sheegay iney tahay qiyaano lagu sameeyey Somaliland.

Khadar Xuseen ayaa sheegay in la yaab ay tahay in saldhig Milatari dhan lagu bedasho dhismaha garoon diyaaradeed iyo Hal waddo oo isku xirta Berbera iyo Wajaale.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline