var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Somalia: Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadahadal kula jirta Mukhtar Robow

Ilwareed Online – 17 August 2017 Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.

Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Dowlada Federaalku waxay u mahadcelineysaa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

You might also like More from author

Comments are closed.