var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Siyaradii Caalamkii Waynaa Ee Sheekh C/Raxmaan Celli oo Warsheekh kabilaabatay iyo dad fara badan oo ku sii qulqulaya.

Ilwareed Online

Waxaa maalmahaan si aad ah loogu sii qulqulayaa Degmada Warsheekh, si dadkaasi uga qeyb galaan siyaarada Caalamkii waynaa ee Sheekh C/Raxmaan Celli, waxaana sidoo kale halkaasi ku sii socda Mashaaikh iyo Xer fara badan oo iyana doonayaan in siyaradaasi ka qeyb qaataan.


Sheekh C/Raxmaan Celli ayaa sanad walaba marka la gaaro Bisha Muxaram ee Saka loo yaqaan waxaa lagu siyaartaa Degmada Warsheekh, iyadoo la isag yimado dhamaan deegaanada Soomaaliya iyo dalalka Deriska qaarkood.
Haddii aan wax ka sheeno Taariikhda Sheekh C/Ramaan waa tan:

Taariiq ahaan WALIYULAAHI SHEEKH CABDI RAXMAAN SHEEKH. CUMAR SHEEKH. MAXAMED SHEEKH.DAA’UUD oo lagu naaneyso SHEEKH.CABDI CELLI wuxuu abaarihii 1895-kii uu ku dhashay deegaanka QORILOOW ee ka tirsan Degmada WARSHIIKH ee G/SH/DHEXE, qoys ahaan wuxuu ka soo jeedaa dhal GOBEED oo CULUMO ah, kuraynimadiisii (yaraantiissi) ayuu Shiikhu ku najaxay inuu dusha ka xafido Quraanka kariimka ah isla markaana barto kutubta cilmiga diiniga ah, isagoo u tagay Galbeedka iyo Koonfurta Soomaaliya raacashada iyo daalacashada Diinta Islaamka illaa uu ka noqday CAALIM weyn oo la xushmeeyo.

Ardayda ka aflaxday intii uu noolaa Shiikha waa sida xiddigaha oo kale waxaana wax ka bartay oo ka diin qaaday Boqolaal xer ah oo markii dambe noqday Culumo waa-weyn, kutubadii uu Shiikhu aqrin jiray oo ahaa BADWEYN ayaa haddana waxaa ka xusi karnaa TAFSIIRKA, AXKAAMTA, FIQIGA, NAXWAHA, SARFIGA IWM, xarumaha iyo masajidyada uu kutubta ka gali jirey waxaa ka mid ahaa masjidka Jaamaccda shingaani, Mowlicii Degmada Boondheere, Xaruntii Degmada Cadale, Markaskii Degmada Baraawe oo uu tagi jirey qeyb ka mid ah sanadka iyo Fariisinkiisii Degmada Warshiikh.
Alle ha u naxariistee Shiikhu wuxuu dajiyay kutubo aan yareyn, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen NAXWAHA, SARFIGA & QASIIDFOOYIN NABI AMAAN AH, Jaa’isada Shiikhnimada waxa siiyay reer Sh. Aweys Al-qaadiriyi, geeridu waa xaq waana halka lagu dambeyn doono, ma dhinte waa Illaah ee Alle ha u naxariistee Aabe Sheikh Cabdi Celli wuxuu ifka ka wareegay 1981-kii wxaana lagu aasay saldhigiisi Degmada Warshiikh, intii uu nolaaa Shiikhu wuxuu u go’ay fidinta diinta islaamka, darajo ahaana wuxuu gaaray inuu noqdo MUFTI loo soo doonto qeybaha kala duwan ee diinta iyo ka jawaabida su’aalaha diiniga ah, dhaqan ahaan wuxuu ahaa deeqsi aan la gaari Karin oo hoygiisa aaney waxba ku baryi jirin, sifo ahaan wuxuu ahaa ASTAANTA Degmada Warshiikh, geeridii Sheikha kadib waxaa khaliifnimadii la wareegay SH. MUXUMED SH. CABDI RAXMAAN oo isna geeriyooday, haatana waxaa hawshii Shiiqnimada haya SHIIKH QAASIM SH. CABDI RAXMAAN alle ha xafidee..

Kumanaan dad ah o ka kala tagey Magaalooyiin aad u fara badan ayaa haatan ku urursan Degmada Warshiikh oo 65-K.M u jirta Caasimdda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, ujeedka muslimiintaasina waa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Siyaarada Shiikhooda, iyagoo ALLE dambi dhaaf ka baryaya, una duceynaya guud ahaan ummaddaha Islaamka ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed si sanadkaan kiisa kale ay ugu gaaraan NABAD, KHEYR, & HORUMAR, maalmo kadib bulshooyinkaasi waxay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay ka baqooleen iyagoo Faraxsan, Degan isla markaana ku Raali ku ah socdaalkii ay ugu amba baxeen Siyaarada Shiikhooda Shekh Cabdi Celli ee Degmada WARSHIIKH.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.