Siyaasiga Faarax Macalin oo Soo Gaaray Magaaladda Muqdisho

Ilwareed Online-

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray Siyaasiga Faarax Macalin Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya.

Faarax Macalin waxaa Garoonka Diyaaradaha muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Salaad ‘Oomaar’ iyo mas’uuliyiin kale.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga waxa uu salka ku hayo socdaalka uu magaladda Muqdisho ku yimid Siyaasi Faarax Macalin oo taageero weyn u ah Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline