var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo Baaqay In Xilka Laga Tuuro Madaxwayne Gaas

Ilwareed Online

Siyaasi muuse cali jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan deegaanada maamulka puntland ayaa waxa uu ka hadlay magacaabista golaha wasiirada cusub ee puntland oo uu dhawaan ku dhawaaqay madaxwaynaha puntland c/wali maxamed cali gaas kana kooban 53 qof oo iskugu jira wasiiro,wasiir dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno.

Muuse cali jaamac ayaa sheegay in xukuumada cusub ee uu madaxwayne gaas ku dhawaaqay ay tahay xukuumadii horay u fashilantay ee uu baarlamaanku kala diray balse lagu soo daray shqsiyaad kooban oo aan waxba soo kordhinayn sida uu sheegay.

Baarlamaanka puntland ayuu ku tilmaamay laaluush qaatayaal aan ka turjumayn danta shacabka puntland wuxuuna shacabka puntland ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan arintaasi xilkana ka tuuraan madaxwayne gaas iyo xukuumadiisa.




Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.