var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Sirdoonka Kenya oo ka digay weeraro Al-Shabaab ku soo qaadanGobolada Mandera, Wajir, Garissa iyo Lamu.

Ilwareed Online

Dowladda Kenya ayaa cadaysay inay soo kordhayso khatarta Al-Shabaab ee gudaha Kenya, iyadoo Sirdoonka Kenya ay sheegeen in Al-Shabaab ay yihiin khatarta ugu weeyn ee uu wajahayo Amaanka dalka Kenya.
Xillibaano ka Tirsan Baarlamaanka Kenya oo kulan la yeeshay agasime ku xigeenka sirdoonka Kenya Alexander Muteshi ayuu sheeegay in khatar badan ay ka jirto Afar Gobol oo ku yaala e xuduudda kuwaasi oo kala ah: Mandera, Wajir, Garissa iyo Lamu.


Agasime ku xigeenka sirdoonka Kenya Alexander Muteshi ayaa ka digay in Al-Shabaab doonayaan inay beegsadaan Kaniisadaha, Suuqyadda, Iskuuladda iyo meelaha kale ee Dadweeynahanuu ku badan yahay.
Mr.Alexander Muteshi ayaa sheegay in sirdoonka Kenya uu abuuray adkeeysi loo maray dhalinyaraddda oo wax la baray, wuxuuna sheegay in markii horeba Kenya ay la dalaa dhacaysay in ka badan 200 oo dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo Wadanka Kenya dib ugu labtay Deegaanadda Xeebta Bari ee Wadankaasna ay galeen kuwaas oo beegsada Dadka Rayidka ah ah iyo Ciidamadda Booliiska.

Warkaan ayaa lagu baahiyay Warbihinta ka soo baxda dalka Kenya ayaa lagu faah faahiyay inta ay la eg tahay khatarta ka imaanaysa Al-Shabaab, Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in khataro badan ka soo socdaan Al-Shabaab, iyagoo sheegay in khatarta ugu badan soo food saarayso Dadka Kenya gaar ahaan Dadka ku nool Goboladda xuduudda ku yaalla.
Dhanka kale Sirdoonka Kenya oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee Ciidamadda Amaanka ayaa ku dadaalaya in ay iska caabiyaan Howlgaladda Al-Shabaab ay Wadankaasi ka fuliyaan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.