var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Sir Culus Sirddoonka Mareykana laga helay

Nin mudo dheer ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA laguna magacaabo Norman Hodger oo haatan waayeel ah cuduro badana ay ku dhaceen ayaa isaga oo u waramayey xarunta “The Raiffel Beard” waxaa uu shaaca ka qaadey in mudadii uu sirdoonka ahaa uu isagu ka dambeeyey shirqoolo lagu dilay ama lagu khaarajiyey dad ka badan 37 qof kuwaas oo isagu jirey Siyaasiyiin, Aqoonyahano,Jilayaal iyo Fanaaniin looga shakiyay in ay halis ku yihiin danaha Mareykanka.

Mr.Norman Hodger dadka caanka ah ee uu ku fuliyey shirqoolada dilka ah waxaa ka mid aheyd gabadhii jilaaga aheyd ee Mareykanka caanka ka ahayd ee la oran jirey Marilyn Monroe taas oo haatan geerideeda ay kasoo wareegtay muddo 53 Sannadood ah. Sarkaalkan lagu magacaabo Norman Hodger waxaa uu sheegay in haweenayda jilaaga aheyd ee Marilyn Monroe sababta loo dilay in ay ahayd markii ay si fiican isu barteen madaxda Mareykanka oo uu ka mid ahaa Madaxweyne John F Kannedy oo dalka Mareykanka ka talinayey Bishii January 20-kedii Sannadkii 1961-kii Ilaa Bishii November 22-kedii Sannadkii 1963-kii waqtigaas oo isaguna shirqool lagu dilay.

Waxa uu intaa raaciyey sidoo kale in ay haweenayda jilaaga aheyd haddana si fiican ay isu barteen Madaxweynehii hore ee dalka Kuuba Fedal Castro taasi oo looga shakiyay in sirta dalka ay gudbiso cadowga Mareykanka oo uu ula jeeday dalka kuuba iyo Madaxweyne Castro. Baaris dilkeeda lagu sameeyey gabadhaa jilaaga aheyd ayaa ugu dambayntii waxaa la sheegay in sannadkii 1962-kii ay iyadu is dishay si aan loo ogaan qorshaha lagu khaarijiyey. Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan. #ABDULLAHI_NOR_COLOMBO

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: