var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Sidee ayey wax usoo gaaren gaariga uu la socday Sargaalkii maanta lagu qarxiyay Muqdisho

Muqdisho Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Qarax ayaa ka dhacay Nawaaxiga Xarunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo ku taala Degmada Boondheera.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari miino loogu xiray Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Somalia.

Sarkaalka la qarxiyay ayaa lagu Magacaabaa Janaraal C/llaahi Nuur Caana Boore oo soo gaaray dhaawac fudud, Sidoo kale qof Bajaajle ahaa ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib goobta qaraxa gaaray, waxeyna meesha ka wadeen Sarkaalka la bartilmaameedsaday oo lugihiisa ku socday.

Qaraxa ayaa dhacay qadar yar kadib markii ay goobta mareen Kolonyo Gaadiid ah oo galbineysa Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

You might also like More from author

Comments are closed.