“Sidan ayaa ila quman in lagu xalliyo ismarin waaga doorashada Soomaaliya”

“Cir tararay, rag waa toli karaa, taako labadeede” waa hal-ku-dheg caan ah oo ay Soomaalidu adeegsato marka xaalku uu cakirmo. Ragannimada laga hadlayana waa qof ama dad leh caqligii iyo kartidii ay arrinka adkaaday meesha kaga saari lahaayeen.

Waxaa dhamaaday muddada xil-heynta madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Nasiib darro, madaxweynaha iyo maamulkiisuba way ku fashilmeen inay qabtaan doorasho qof iyo cod ama mid dadban toona. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guul-darreystay inuu heshiis siyaasadeed la gaaro siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa dowlad-goboleedyada ee ka soo horjeeda. Haddii si kale aan u dhigo, waxaa la gaaray Feberaayo 8, 2021 doorasho la’aan iyo heshiis-siyaasadeed la’aan.

Haddaba, qormadan waxaan uga jawaabayaa laba su’aalood: Maxaa sababay in Feberaayo 8, 2021 la soo gaaro doorasho la’aan iyo heshiis-siyaasadeed la’aan? Marba haddii taasi dhacday, maxaa xal ah?

Sababaha Keenay Doorasho-La’aanta iyo Heshiis-Siyaasadeed La’aanta

Sababo badan ayaa keenay in afar sano ay siyaasiyiinta Soomaalidu isla-meereystaan. Waxaanse anigu u arkaa in saddex arrimood ay saldhig u yihiin doorasho-la’aanta iyo heshiis-la’aanta.

Kow, madaxweynuhu wuxuu aad iskugu dayay inuu arrinka doorashada ku saleeyo sidii uu mar kale xukunka u sii joogi lahaa. Daliilka arrintan waxaad ka heli kartaa sharcigii doorashada ee Golaha Wasiirradu ay u soo gudbiyeen Golaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha iyo taageerayaashiisu waxay is-tuseen inay sharciyeeyaaan hannaan doorasho oo u oggalaanaya inuu madaxweyne noqdo hoggaamiyaha xisbiga ama is-bahaysiga aqlabiyadda codadka hela. Sidoo kale, hannaanka doorasho oo u madaxweynuhu rabay wuxuu ku saleysnaa nidaamka metelaadda isku-dheelli-tiran iyo dalka oo dhan oo hal deegaan doorasho noqonaya.

Waxaa ka hor yimid baarlamaanka iyo madaxda gobollada qaarkood labadan qodob. Diidmada baarlamaanku waxay ku qotontay in habka madaxweynuhu rabo uusan waafaqsanayn dastuurka iyo inuusan dhowreyn awood-qeybsiga beelaha ee 4.5. Dhanka kale, waxaa ka horyimid madaxda dowlad-goboleedyada oo iyagu gaar ahaan diiddanaa hal-deegaan doorasho in laga dhigo dalka. Waxay rabeen in maamul-goboleed kasta uu noqdo deegaan-doorasho. Waxayna ku caddeeyeen mowqifkooda shir ay Kismaayo ku yeesheen.

Labo, baarlamaanka ayaa runtii aad u murjiyey arrinka doorashada waayo wuxuu tuuray soo-jeedinta hey’adaha fulinta, wuxuuna ku baddalay hannaan kale oo ay hirgelintiisu aad u adag tahay. Guddoonka baarlamaanku wuxuu u saaray guddi arrinkan. Guddigaasi wuxuu soo jeediyey in la qaato nidaam kale oo doorasho oo loo yaqaan ‘horreeyaa guuleysta’ (First Past the Post). Waxaa halkaas ka caddaaday in baarlamaanku uu doonayo in aan laga gudbin habka ay qabaa’ilku awoodda ku qeybsadeen. Waxaa kale oo xubno badan ay welwel ka muujiyeen in magaalooyinka waaweyn ay awoodda siyaasaddu u waraageyso.

Saldhigga saddexaad ee doorasho-la’aanta iyo heshiis-siyaasadeed la’aantu waa kalsooni darro kala gashay siyaasiyiinta. Markii uu maamulka dalka la wareegay Madaxweyne Farmaajo wuxuu qaatay go’aan ah inuu siyaasadda ka saaro siyaasiyiin badan oo ka aragti duwanaa sida Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ahaa af-hayeenkii baarlamaanka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada sida Shariif Xassan Sheekh Aadan, Cali Cabdullaahi Cossoble iyo Axmed Ducaale Geelle “Xaaf.” Waxaa kale oo uu maxkamadda sare ka qaaday Ibraahim Iidle Suleymaan.

Madaxweynuhu wuxuu ku baddalay siyaasiyiintan kuwa isaga la saaxiib ah. Runtii, nidaamka doorasho ee ay dowladdu ka fulisay Baydhabo, Dhuusamarreeb iyo Jowhar ayaa dhaawac weyn u geystay kalsoonidii lagu qabi lahaa madaxda. Taasna waxaa ka dhashay is-bahaysi xooggan ay ku wada jiraan madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Guddoonka Aqalka Sare iyo Midowga Murashixiinta oo ay ku jiraan madaxweynayaal iyo iyo ra’iisul-wasaarayaal hore.

Xalal Badan Baa Jira: Mid Sahlan iyo Mid Fiicanba

bbc

Inkasta oo uu waqtigu gabaabsi yahay, haddana waxaa jira xalal badan oo suurtagal ah. Waxaan qormadaan ku faalleynayaa labo ka mid ah xalalka suurtagalka ah oo aan ku magacaabay xalalka sahlan in la gaaro iyo mid aan ku magacaabay mid fiican in la qaato si xal waara arrimo badan looga gaaro. Saddaxduna waxay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed.

Xalka u horreeya, uguna sahlan waa xallinta caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiskii September 17, 2020. Wadahadallada Dhuusamareeb waxay u burbureen arrimo farsamo oo la xiriira fulinta saddex qodob oo mabda’ ahaan looga heshiiyey sanadkii hore. Waana maamulka doorashooyinka xubnaha Somaliland, Gedo iyo sameynta guddiyo dhexdhexaad ah oo guud ahaan ka garsoora doorashada.

Fulinta saddexdan qodob wax lagu kala tago maahee, halkee ayuu dhibku ka jiraa? Su’aashan waxaa I weydiiyey qaar ka mid ah diblomaasiyiinta reer Galbeedka ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Marka si cad loo abbaaro jawaabta waxaa la dhihi karaa xuddunta khilaafku waa hunguriga siyaasiyiinta. Madaxweyne Farmaajo wuxuu doonayaa inuu xukunka ku soo noqdo gar iyo gar-darro. Wuxuuna rabaa inuu dad isaga taageersan ka soo saaro 11-ka magaalo ee la rabo in lagu qabto doorashada dadban. Gaar ahaan, xubnaha Somaliland iyo kuwa Gedo marka la isku daro waa 73 xildhibaan (22% tirada guud ee xildhibaannada).

Madaxweynaha iyo taageerayaashiisu waxay rabaan inay iyagu ka taliyaan kuraastaas. Taas waxaa dheer inay saameyn xoog leh ku yeelanayaan 9-ka magaalo oo kale maaddaama ay inta badan maamulayaan siyaasiyiin la jaal ah madaxtooyada. Dhanka kale, mucaaradku cabsi ayay ka qabaan arrintan, waxayna doonayaan inaan madaxweynaha iyo taageerayaashiisu u gacan bannaanaan maamulashada xidhibaannadan. Weliba, waxay jecel yihiin, kana shaqaynayaan si uusan Farmaajo soo noqon mar kale.

.

Haddaba, waan qabaa inay aad u sahlan tahay in laga heshiiyo saddexdan qodob ee farsamada ah. Waxaan rumeysanahay in dowladdu ay dib ugu noqoto wadahadallada Dhuusamarreeb, islamarkaana la helo cid dhexdhexaad ah oo u garnaqda siyaasiyiinta. Doorkan dhexdhexaadnimo waxaa qaadan kara bulshada rayadka, culumada iyo beesha caalamka. Runtii, beesha caalamku waxay leedahay saameyn weyn.

In la iskugu yimaad shirkii September 17, 2020 ayaga ayaa ka dambeeyey. Sidoo kale, in shirka Dhuusamareeb la iskugu tago waxaa sabab u ahaa beesha caalamka. Intaa waxaa ka muhiimsan dhaqaalaha, ciidanka iyo caqliga dowlad-dhiska dalka lagu wado iyagaa leh. Siyaasiyiinta Soomaaliduna iyaga uun bay ixtiraamaan oo ka baqaan. Haddii si kale loo dhigana, beesha caalamka ayaa u heysay Soomaalida doorka maxkamadda sare xilliyadii la soo dhaafay.

Isku soo duuboo, haddii ay Madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul-Wasaare Rooble ku noqdaan Dhuusamareeb, lana helo cid dhedhexaadisa, xalkani waa mid sahlan oo maalmo gudahood lagu soo gabagabayn karo. Anigu waxaan dhiirrigelinayaa in la qaato xalkan.

Haddii ay siyaasiyiintu ku guul-darreystaan fulinta heshiiska September 17, 2020, waxaa jira xal kale oo ayba dhici karto inuu ka sii sahlan yahay kan hore. Waa in madaxda dowladda, maamul-goboleedyada, iyo mucaaradkuba isla-gartaan inay gaaraan heshiis siyaasadeed oo xubnaha baarlamaanka ee hadda jooga u kordhinaya muddo laba sano ah, islamarkaasna ay iyagu dooranayaan madaxweyne.

Xallinta xaaladda cakiran ka sokow, xalkani wuxuu meesha ka saarayaa in ay mar kale mushkiladdani soo noqoto, wuxuuna soo celinayaa habkii ay Soomaalida doorashooyinkeedu u kala soocnaayeen sanadihii 1960-69.

Baarlamaankii u horreeyey ee dalka oo wada-jira waxaa la soo doortay sanadkii 1959. Tiro 90 xildhibaan ah waxaa lagu soo doortay nidaam metalaadda isku-dheellitiran, waxaana laga soo doortay 30 degmo oo ku taal Soomaaliya ama lix gobol oo koonfur ah. Tiro 33 xildhibaan ah waxaa lagu soo doortay nidaamka “horreeyaa guuleysta” (First Past the Post), waxaana laga soo doortay 33 degmo-siyaasadeed oo ku yaal Somaliland (lix Degmo-maamul). Muddo-xileedka baarlamaankaas waxay aheyd shan sano oo ku eg 1964.

Sanadkii ku-meelgaarka kadib, xubnihii Baarlamaanku waxay madaxweyne u doorteen Aadan Cabdulle Cismaan sanadkii 1961 mdduo lix sano ah. Saddex Baarlamaan (1959, 1956 iyo 1969) iyo laba madaxweyne (1961 iyo 1967) ayaa sidaas lagu doortay. Taasi waxay keentay inay xilliyada doorashada ee baarlamaanka iyo fulintu ay kala soocnaadaan.

Mar walbana waxaa jiraya hey’ad sharci ah oo qabanaysa doorashada hey’adda kale. Xitaa haddii aan hadda lagu hirgelin karin xalkan heshiis siyaasadeed, waxaan qabaa in lagu hir-geliyo dib-u-eegista dastuurka.

Waxaa kale oo jira xal saddexaad oo ah in la qabto shir qaran oo dib loogu eegayo waxyaalo badan oo ku saabsan dowladnimada sida dastuurka, doorashooyinka iyo dhammaan arrimaha masiiriga ah. Shirka noocan ah waa loo baahan yahay waayo waxaa is-baddalay wax badan labaatankii sano ee la soo dhaafay. Inkasta oo dowlad lagu dhisay, haddana waxaa soo baxday in awood-qeybsiga beeluhu uu caqabadooyinka ka mid yahay. Runtii, qaadashada xalkani ma sahlana waayo Soomaali badan iyo beesha caalamkuba waxay doonayaan in lagu dhex-shaqeeyo hey’adaha hadda jira.

Nuxurka qormadani wuxuu leeyahay waxaa jira xalal fara-badan oo suurta-gal ah. Waxaan rajaynayaa in caqligu shaqeeyo oo ay siyaasiyiintu si dhab ah u baadi-goobaan hannaan looga baxo jah-wareerka siyaasadda.

Saddexdan xal waxay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed. Baarlamaanka hadda, xukuumadda iyo madaxtooyadu kaligood go’aan kama gaari karaan. Waxay u baahan yihiin inay kala heshiiyaan siyaasiyiinta kale iyo wax-garadka Soomaaliyeedba.

Heshiis siyaasadeed ayaa suurageli kara in xubnaha baarlamaanka ee hadda jooga loogu kordhiya muddo laba sano ah, islamarkaasna ay iyagu doortaan madaxweyne

Waxaan ku soo gunaanadayaa inaan xasuusnaano in dagaalka sokeeyey ee Soomaalidu uu ka billowday siyaasi doonaya inuu awoodda siyaasadda xoog ku heysto iyo mid kale oo raba inuu xoog uga qaato. Waa inaan wax ka baranno waayaha na soo maray.

Siyaasiyiinta (muxaafid iyo mucaarad) waxaan kula talinayaa inay ku dedaalaan nabadda iyo xasiloonida, ayna ku dhameeyaan khilaafka jira wada-hadal. Waxaan rajeynayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-Wasaare Rooble inay Dhuusamareeb ku noqdaan oo ay heshiis siyaasadeed ka keenaan.

Qormadan waxaa diyaariyay Prof Afyare Cabdi Cilmi oo ka faalooda arrimah Soomaaliya. Kama turjumeysa aragtida BBC-da.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline