SHIRQOOL KUWAJAHAN AMAANKA MOGDISHO OO WALWAL GALISAY SHACABKA SOOMAALIYEED

Dani oo aan ku raacin go aankii shirka kismaanyo dibadana uuga baxay lana sawirayn kooxdan dawlad diid.

Waxaan si aad u kooban oo aan lahayn sharaxaad farabadan halkan idinku soo gudbinayaa xogta dhabta ah ee qarsoon ee ka jirta kulanka afarta kooxood ay ku leeyihiin magaalada Kismaanyo,marka laga soo tago caleema saarka axmed madoobe ee shirku huwan yahay kadib.

Waxaa iska cad oo caalamka iyo shacabka soomaaliyeedba ogsoon yahay,hormarka iyo hanaanka dawladnimo ee ka jira dalkeena oo aan hortii dhab ahaan mudo 27 sanadood ah hore loo arag. waxaana jira in hormarkastaa leeyahay dad cadaw u ah oo diidan. layskuma diidana in sawirkan kor ku xusan ay ka dhex muuqdaan labadii hada uun kursiga madaxweyne kula tartamaayay madaxa sare ee dalka oo ahaa iyagu kuwo guuldaraystay oo ku haray doorashadii taasoo ay ka danbaysay shacabka soomaaliyeed oo xasuusan dhibkii iyo dhagartii iyo lugooyadii ay dadka iyo dalka soomaaliyeed u gaysteen xiligay ahaayeen madaxda u saraysa dalka soomaaliya;Halka ay taa badalkeeda shacabku xasuusteen mudadii yarayd ee uu Madaxweyne Farmaajo ahaa raysalwasaaraha qaranka kartidiisii, daacadnimadiisii,wadaniyadiisii,taasoo sababtay in ay doortaan waliba ku doortaan cod aan hore loo arag isagoo kale. Soomaalidaa ku maah maahda NIMAAD TAQAAN YAAD TAHAY LAMA YIRAAHDO.

Hadaba waa kuwee afarta kooxood ee ku kulansan kismaanyo?

1.Waa shabakada maafiyada caalamiga ku xiran ee uu hogaamiyo madaxweyene hore Xasan sheikh,waxaana kamid ah FIQI,cabdishakuur,mahad salaad,guuleed. waxaa la dhisay burburkii dawladii dhexe kadib,waxayna shaqadoodu tahay oo kaliya in ay aanay soomaaliya ka dhismin dawlad rasmi ah oo shaqaysa oo soo celisa amaankii iyo kala danbayntii dawladnimo. waa shabakad dhisan oo dawlad diid ah.

2. Waa kitaab kabood kursi u bood,waa kooxda maxaakiimtii xanbaarsanayd kitaabka alle waa sheekh axmed madoobe iyo sheekh shariif madaxweyne hore. Kooxdani hadafkoodu waa kursi hel si aad u hesho malaayiin doolar; waxayse u arkeen in dariiqa kaliya ee ay ku gaari karaani tahay hadafkoodaas in ay diinta iyo kitaabkaa illaahay soo qaataan si dadka soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol muslim ah suni ahi u aaminaan,markaa diintii ayay ka dhigteen dariiq lagu danaysto. Markii hore midab been ah ayay lahaayeen hadana midabkoodii runta ahaa iyagoo leh ayay shirka dhinac ka fadhiyaan.

3.Waa maamul goboleedka Puntland oo danaynaaya,in fadhiid laga dhigo dawlada hada jirta la wiiqo lagu dadaalo in aysan meel gaarin la sheego. waxay sidan u yeelayaan madaxda sare ee Puntland oo xasuusan guuldaradii ka raacday doorashadii ay galeen 2017 kii oo ay ku soo bixiwaayeen. Sidaa awgeed waxay dhabaha u xaareen in ay 2020 doorashada dalka hadii illaahay idmo kusoo baxaan. Tani waa sababta ay shirka Kismaanyo qaybta uuga yihiin oo u fadhiyaan.Dani wuxuu isu arkaa madaxweynaha mustaqbalka soomaaliya ee badali doona FARMAAJO.

4.Shariif madaxweynihii hore ee koonfur galbeed oo koox ah isagu! Dankamalaha kooxahan kulansan,dana kamalaha dawlada fadaraalka ah, midkoodna maraacsana midkoodna kama soo horjeedo,waxaa laga yaabaa in aad is waydiinayso wuxuu ka soo horjeedaa dawlada waayo muxuu ula fadhiyaa shirka koohahan ku shirsan kismaanyo oo qaybta uuga yahay? hadaad sidaa u fikirtay waxaad ilawday dhaqaalaha Emaraadku bixiyay ee kooxahan kulan san lasiinaayo ayuu qaybtiisii rabaa oo kaliya. hadaan beeso jirin shariif shir matago,hadana markuu muraadsado hotelkiisii ayuu ku noqon Narirobi.

Shariif mashquul kuma aha 2020 yaa imaanaaya! wuxuu sugaa marka lagaaro shaqadiisana waa yaqaan.

Hadaba waxay ilatahay in aynu isla fahana kooxahan noocyaday kala yihiin.waxaa hadaba xusid mudan in hal hadaf ay isku wada raacsan yihiin oo ah in dawlada hada jirta la curyaamiyo ay shaqayn waydo la buburiyo oo laga takhaluso. waxaase dhib keentay qaabkii loo fulin lahaa in aan dawlad soomaaliyeed shaqayn shacabkana loo niyad jabin lahaa dhib ay ka soo gudbeena dib loogu celin lahaa.

Maadaama ay dawladu cadaw u ah soomaaliya iyo shirkado shisheeye oo maafiya ahi la dirir sanyihiin danta umada soomaaliyeed iyo dalkeena oo yeesha dawlad nidaam iyo kala danbayn,ayaa adeegsanaaya kuway inagu dheex beerteen. iyadoo taa laga duulaayo malaayiin doolar ayaa la keenay waxna waa loo balan qaaday kooxdan ku shirsan Kismaanyo oo ku hoos gabanaysa caleema saarka axmed madoobe.

Waxay hadaba fulinayaan go aano loo soo dhiibay,oo ah in wax wayn loo dhimo xasiloonida iyo amaanka ka jira caasimada umada soomaaliyeed MOGDISHO oo marba marka ka danbaysa soo fiicnaanaysa. waxayna qaateen in gudaha MOGDISHO lagu weeraro safaarada cusub ee maraykanka,si caalamku u arko amaan xumada ka jirta meesha iyo in lagu soo dhiiran waayo amaanka MOGDISHO, kadibna lagu ee deeyo dawladaa seexatay oo waxba qaban kari waysay oo fashilantay!

Waxaa weheliya in argagax lagaliyo shacabka oo dilal farabadan oo joogta ah laga sameeyo MOGDISHO si laysaga horkeeno dawlada iyo shacabka,oo loo tuso shacabka in aysan jirin dawlad amaankooda ilaalisaa!! Nimanka meesha fadhiyaa waa niman dhiiga dadka soo cabay mudo dheer oo manaxayaal ah cadaw ah oo aan daqanayn shacabna dan kalahayn kursi iyo lacag darteed.

Waxaa gaashaanka ku dhuftay oo diiday madax weynaha Puntland oo yiri lacagta waa kala qayb sanaynaa,dawladana waa lugoynaynaa,oo ma doonayno,laakiin in aan shacabkeena layno oo amaanka dalkeena uuga sii daro,maha mid xaq ah mana yeelaayo idinkumana waafaqsani dhiig muslim daadintii macno daro ah. waxaa jira habkale oo aan ku diidi karo dawlada.

Kooxdii dani waxay ogaadeen in ay dhex fadhiyaan dad qalato,intoodii kale iyagiina waxay la yaabeen sababta dani u diidaayo kaartadan fiican dadka inay dhintaan dhib malaha awalba waa dhiman jireen maxaa cusub!?

Waana lagu kala tagay fikirkaas,hayeeshee waxaa iswaydiin leh dawlada fadaraalka ah ma horkeeni doontaa sharciga oo ma xiri doontaa kooxahan qaran dumiska ah ee abuuraaya arimo halis ku ah dawlad nimada iyo geedi socodka nabada soomaaliyeed,halis ku ah dawladaha saaxiibka la ah dalka soomaaliya iyo dawladiisaba,dawlada soomaaliyeed ee fadaraalka ahi ma fulin doontaa sharciga dalka ee dhigaaya in kooxo siyaasiyiin ahi iska abaabuli karin dalka dhexdiisa arimo amaan xumana ka abuuri karin oo danbi tahay arinkaasi hayeeshee loo jeedo kuwa jabiyay sharcigaa u yaala soomaaliya?

Dalkasta oo dunida waxaa ka xaaraan ah in ay ka dhacaan is kooxaysi iyo shirqoolo dal gudihiis dawlad leh,oo loo kulmay in wax lagu yeelo siyaasadiisa dalkaas iyo amaankiisaba waana faldanbiyeed keeni kara dil iyo xabsi daa in. shacabka soomaaliyeed iyo dawladoodaba waxaa la gudboon waajibna ku ah in ay iska qabtaan cadawga gudaha ee shisheeye adeegsanaayo.shacabka MOGDISHO waa in ay ka digtoonaadaan kana hortagaan dhagarta cadawga iyagoo kaashanaaya dawladooda lana shaqaynaaya.