Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada oo maanta ka furmaya Baydhaba

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta ka furmaya shirka 2aad ee madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Shirkan waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa gaaray Magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta,waxaana markii ay soo laabteen dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen in ay la safatay Dalka Qadar.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka soo horjeedo go’aankaas islamarkaana taageresan yabay dowladda Imaaraadka sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland aanay jirin cid u geli karta kaalinta Imaraadka.

inatas kaddibna Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa ku baaqay shirkii 2aad ee Madasha Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada.

Waxyaabaha shirkan looga hadli doono waxaa ka mid ah go’aanka dowlad Goboleedyada ee khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo Dib u eegista Dastuurka KMG ah oo ay isku khilaafsanyihiin dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline