Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Shirka Maandeeq Forum .-Qormo Cajiib ah=

Maandeeq , Maqalkeeda waxaa iigu horeysay Maalma ka hor, Bahda Maandeeq waxaan uga mahad celinayaa Martiqaadaka ay ii fidiyeen 14/7/2018, waana ka aqbalay, Waxaa la yiraa ( Ajib Liman dacaaka) u tag qofkii kuu yeeraa , hadduuna Munkar iyo khayaano kuugu yeerin, Dadka kale ee shirka lagu casuumay badankooda isma naqaan.

Haddii shirku yahay shir siyaasadeed oo koox gaar ihi ku daneeysanee, kama qayb galayo , haddiise uu yahay dood wax dhisee waan ka qayb galayaa.waana sida aan u arko ajandaha shirka.

Mar kastaba waan tagi lahaa Oslo haddii Alla qadaro, 15/7/2018 waxaa la igu casuumay Jaamacadda Life Science ee Oslo in aan ka bixiyo cashar 50 daqiiqa ah, weliba hadda waxaan gacanta ku hayaa Buugaagta qallin jabinta ee 4 Arday oo MA degree ka qaadanayo Jaamacadaa oo igu qoran oo la iga rabo in doodooda qalin jabinta aan wax ka qiimeeyo.

Haddii Arday aan Somali aheeyn ee Oslo joogta aan ogolaaday in aan Cashar siiyo 50 daqiiqo, waa ceeb in aan diido ka qayb gal iyo ka hadal shir ay igu casuumeen Somali joogta Oslo.

Dadka ogaal la’aan dhaliilayo shirka Maandeeq waxaan jeclaa lahaay in ay noo sheegaan waxa ay ku dhaliilayaan aan ka digtoonaanee, Mise dhaliishu waa iska INYAAAW,aan loo meel dayin.

Maandeeq waan idinka aqbalay martiqaadkiina, waana imaanaa inshaa a Allah , hadaan VISA-hu iga soo daahin , illey waxaan ku safraa Somali/ Passport Caadi ah, mid kale ma lihi .

FG: waa in aan 5 cisho gudahood ku soo noqdo Xamar ,Idanka Alle.

Qore: Yahya Amir





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline
Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...