var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Shirka Golaha Wasiirada oo markoodii ugu horeysay shir ku yeeshay magalada Kismaayo

Shirka Golaha Wasiirada ayaa si rasmi ah uga furmay magalada Kismaayo, iyadoo magaaldaasi ay ku suganyihiin R/wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo inta badan Golaha Wasiirrada.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay shirka maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Mudane C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.

Waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay ahmiyada uu u leeyahay kulanka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha in lagu qabto Kismaayo ayaa sheegay in tani ay muujineyso midnimada iyo in dowladdu diyaar la tahay in shacabka la xisaabtamo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beryihii u dambeeyay waday olole ay shacabka ku kasbaneysay, iyadoo wali aanay ku guuleysan inay dib u soo celiso adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada ee 20-sano ka hor bur buray.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: